Tacsi tiiraanyo leh,Marxuumad Caasha-Baar Muse,oo Hargeysa Ku Geeriyootay
January 6, 2020 - Written by Berbera Today
انا للة وانا الية راجعون
Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng Mohamed Ali Muse,ka qoyska iyo caruurtayda,,waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, caruurtii ,ehelkii, qaraabadii, xigaalk ii,gacalkii,asxaabtii,Mujaahidiinta SNM iyo dhammaan shacabka reer Somaliland,geerida naxdinta leh ee ku timid Edaday Caasha Muse,oo ku magac dheereyd Caasha-Baar,oo maanta oo Jimce ah,3 January 2020, ku geeriyootay magaalada Hargeysa,aas Qaranna loogu sameeyey magaalada Gabiley.
Marxuumad Caasha-Baar,waxay ahayd Hooyadii Somaliland,Hooyadii Gobolka Gabiley,waxaanay ka mid ahayd Mujaahidintii naf iyo maalba ku bixiyey halgankii dib u xoreynta ee Jamhuuriyada Somaliland,illaa maantana qayb libaax ku lahayd dib u dhiska dalka,walaalaynta shacabka,samo-falka masaakiinta iyo dadka danyart ah.
Marxuumad Caasha-Baar, Qadarinta,Magaca,Maamuuska, Qiimaha iyo Karaamada, ay dhex lahayd shacabka Somaliland iyo Qarankaba, waxaa uga markhaatiya ergada ka qayb gashay aaskeedii , ee ka kala yimid Bari illaa Galbeed.Waxaan Edaday Caasha Muse (Caasha-Baar),aan Allaha awooda leh uga baryeyaa inuu naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir iyo iimaan innaga siiyo, amiin amiin amiin.