Iiraan Oo Jabsatay Barta Interner-Ka Ee Dowladda Maraykanka
January 7, 2020 - Written by Berbera Today
Tehran(Berberatoday.com)-Koox ka soo jeeda dalka Iiraan ayaa qiratay in ay jabsadeen website-ka dowladda Maraykanka ayna ku baahiyeen fariin.
Muuqaalka madaxweyne Trump oo dhiig ka muuqa ayey ku shaaciyeen barta internet-ka ee dowladda Maraykanka.
Fariin la socotay ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ka falcelinayaan dilkii loo gaystay Jeneraal Qaasin Sulaymaani.