Pierre-Emerick Aubameyang Oo Balan Qaad Adag Usameeyay Taageerayaasha Kooxda Arsenal
January 7, 2020 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay inuu wali daacad u yahay Gunners, isla markaana uu doonayo inuu ka caawiyo ku guuleysiga koobab iyo inay markale dib ugu soo laabataan wadada guulaha.
Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka Premier League, kaddib 21 kulan laga ciyaaray, waxayn 9 dhibcood u jiraan kaalinta afaraad ee loogu soo baxo tartanka Champions League.