berberatoday.com
Arsenal Oo Emirates Ku Dubatay Leeds United Iskanna Xaadirisay Wareegyada Udanbeeya Ee FA Cup-ka
January 7, 2020 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega afaraad ee koobka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku khaarjiyeen kooxda Leeds United oo marti ku aheyd Emirates Stadium

Gool uu qeybtii labaad dhaliyay Nelson ayay Arsenal uga talaabsatay kooxda heerka labaad, waxayna wareega afraad isku arki doonaan Bournemouth oo marti loo noqon doono.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa iska heysatay kooxda heerka labaad ee Leeds United kuwaasoo u ciyaaray sida koox Premier League ah, waxaa si gaar ah wacdarro u dhigayay Patrick Bamford iyo Jack Harrison.

Waxay heleen 15 darbo marka loo eego seddex ay heshay Arsenal qeybtii hore, waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Leeds ay qolka labiska aadeen iyagoo ka qoomameynaya inaysan hogaanka u qabanin ciyaarta.

Shan daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad, Lacazette oo kabtan u ahaa Arsenal ayaa birta garaacay isagoo ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto. Labo daqiiqo ka dib goolhaye Meslier ayaa fursad kale oo dahabi aheyd ka beeniyay Lacazette.

Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 55aad, waxaa shabaqa u soo taabtay xiddiga da’da yar Nelson.

Pepe ayaa kubad u dhiibay Lacazette kaa soo kubadii uu soo dhex dhigay xerada ganaaxa ay ku dhacday lugaha Berardi waxaana kubbadii soo baxday shabaqa dhex dhigay Nelson.

Goolkaas ayay Arsenal ku badisay iyagoo haatan iska xaadirisay wareega afraad ee koobka FA Cup

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews