Axmed-kayse Xaaji Ducaale Cabdalle Oo Ka Noolaa Shantii Nin Ee Xoriyada Somaliland Kasoo Saxeexay Gumaystihii Ingiriiska Oo Mareykanka Ku Geeriyooday
January 8, 2020 - Written by Berbera Today
Innaa lillahi waa innaa ileyhi Raajicuun
Alle SWT Ha Unaxariisto Axmed-Keyse Xaaji Ducaale Cabdale oo maanta ku geeryooday Gobolka Arizona ee Dal Weynaha Maraykanka.
Oo kala ahaa :- Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Axmed-kayse Cabdalla Ducaale waxa ay metelayeen SNL, Cali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibraahim Nuur na waxa ay metelayeen USP, AHN, idilkood maanta aakhiro ayay ku wada maqan yihiin oo Axmed-keyse ayaa u dambeeyey.
Axmed-keyse waxa uu ka mid ahaa barlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland ee Feb 1960 la doortay. Burco ayuu ka soo baxay. Waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland, waxanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Somaliland iyo Somaliya ku mudoobeen jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.
Axmed-keyse waxa uu iska casiley xilkaas wasiirnimada ka dib markii ay xukuumaddii Aadan Cabdalle Cismaan is la garan waayeen qorshihii siyaasadda beeraha ee jamhuuriyaddii curdinka ahayd.
Sidoo kale Axmed kayse wuxuu ahaa masuulkii dhisay Dugsiga farsamada gacanta Burco.
Danjire ayuu muddo ahaa Axmed-keyse, waayadii dambena waxa uu ku noolaa USA oo uu maanta xaqii ku haleelay. Allehaunaxariisto janadii farduusana haka waraabiyo .