Garoowe: Maxkamada Sare Oo Ka Hadashay Sababta Loo Fulin La’yahay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan
January 12, 2020 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Maxkamada sare ee Puntland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddex nin oo ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 13 jir ah, oo falkaas loogu geystay Gaalkacyo, sannadkii hore.
Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kiiskaas fulintiisa uu u xayiran yahay qoyska Caa’isha Ilyaas oo uu sheegay in laga sugayo inay maxkamada u soo gudbiyaan in loo soo qisaaso raggaasi.