Xukumada Somaliland Oo Saaka Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Maxbuus Oo Hore Loogu Xukumay Qisaas
January 15, 2020 - Written by Berbera Today
Madheera(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil-toogasho ah ku fulisay lix nin oo horey ugu xukunsanaa dilal dad qudha kaga jareen siyaabo kala duwan oo Maxkamado hortooda kaga cadaatay halka qaarkoodna qiraal ahaayeen oo laga arkay baraha Bulshada iyaga oo codsanaya in magta laga bixiyo iyaga oo mudo Xidhan.
Magacyada ragga la toogtay iyo magaalooyinka ay ka soo jeedaan:
1- Farxaan Maxamed Xasan ( Buuhoodle )
2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd ( Burco)
3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax ( Burco)
4-Khadar Aleel ( Gabiley )
5- Xasan Muxumed Cismaan ( Hargeysa )
6- Caydaruus Khadar Haybe ( Hargeysa )