Dacwad Ka Dhan Ah Cabdiraxmaan Guulwade Oo Loo Gudbiyay The Center For Justice And Accountability Oo Cariga Mareykanka Fadhigeedu Yahay
January 23, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay Hayada la yidhaah. The Center for Justice and Accountability oo fadhigeeduyahay dalka Mareykanka ayaa sheegaya in maanta oo ay bishan kowaad tahay 23, sanadkan 2020. La soo gaadhsiiyay dacwad ka dhan ah, kornayl Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, oo ku magac dheer Cabdiraxmaan. Guulwade.
Dacwadaa oo ay soo gudbiyeen aqoon yahan ku nool carigan mareykanka gaar ahaa Caasimada Washington dc oo ka dhan ah kornaylka cabdiraxmaan, oo dhalasho ku leh carigan mareykanka, isla markaana ku nool magalada Columbus, ee gobolka Ohio, isagoo halkaas ku leh Macdaar lagu iibiyo gawaadhida la isticmaalay ( Use Cars).