Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Somaliland Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Tayland.
January 28, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa qaabilay wafti ka socda dalka Tayland.
Waftigan ka socda Tayland ee uu la kulmay Guddoomiyaha Banka dhexe ee Somaliland waxa ay ka socdeen mid kamida Baananka Islaamiga ah ee dalka Tayland sidoo kalena waxa waftigaasi ka mid ahaa Khubaro aqoon durugsan u leh dhinacyada Maaliyadda, Beeraha, Biyaha, Macdanta iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa sheegay in u jeedada ay waftigani Somaliland u yimaadeen ay tahay in ay ka furan Baan Islaami ah isla markaana uu ka Baan ahaan u u socdo wada xaajood ku saabsan arintaasi.