Ucid Oo Soo Bandhigay Dad Xukuumaddu Xidh-xidhay Ee Isugu Jiray Siyaasiyiin, Saxafiyiin Iyo Shacab
January 31, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Yuusuf Kayse oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ee Ucid oo ka hadlay inaanay xukuumadu soo dhawayn, isla markaana aanay dhiirigalin ardayda ka qalin jibisa kuliyada saxaafada oo cadow ay u aragto.
Waxaanu sheegay in xukuumada looga baahan yahay inaanay cadow u arag saxaafada, balse ay warbaahintu tahay muraayada shacbiga iyo dawladaba ayaa tilmaamay in xukuumadihii dalka soo maray midba meel soo gaadhsiisay qaranka.
Mr. Yuusuf Kayse ayaa carabka ku dhuftay in xukuumada wakhti xaadirkan talada dalka haysa muddadii ay jirtay dad farabadan xabsiyada u taxaabtay, kuwaas oo uu sheegay inay isugu jireen suxufiyiin, siyaasiyiin iyo shacbi.