Shirkii Uu Hogaaminaayay Mulkiilaha HCTV Oo Maansoor Berbera Ka Furmay. Dhalinyaro La Khalday Oo Laga Soo Daabulay Hargeysa Iyo Burco+Xukumada Oo Usoo Dirtay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Masuuliyiinta Gobolka Iyo Degmada Berbera Iyo Ramaax Oo Awdal Kasoo Boqoolay
May 22, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Shirkii macaash doonka ahaa ee uu Berbera ka qaban qaabinaayay Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji cali Axmed ayaa hada ka bilaamay Hutel Maansoor Berbera iyada oo ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro uu hogaaminaayo farxaan xaaji cali oo hargeysa uu kasoo daabulay oo kasoo jeeda beesha deegaanka Gobolka Saaxil oo ilaa xalay kusoo daad guraynaayay Berbera oo tiradooda lagu qiyaasay lixdan dhalinyaro ah iyo ilaa sodon kaloo Burco laga keenay waxse iyagu diiday oo aan shirkaas ka qeyb galin dhalinyarada reer Berbera oo qaadacay mashruuca macaash doonka ah ee uu Mulkiilaha HCTV uu Xukumada kaga Ruxuruxanayo in wax looga dhiibo lacagtii xaqal qalinka ahayd ee laga soo qaaday shirkada DP World ee Dekeda Berbera laga kireeyay iyo sidoo kale dano ganacsi oo kale oo uu farxaan Xaaji cali Hoosta kuhaysto dhalinyaradana uu uga dhigayo inuu urur horumarineed u asaasayo kharashkana uu sidaas ku bixinayo balse macnuhu aanu sidaas ahayn,