Hay’adda Caafimaadka Adduunka Oo Walaac Ka Muujisay 13 Dal Oo Afrikaan Ah Oo Khatar Ugu Jira Fayraska Coronavirus
February 2, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa ku dhawaqay 13 waddan oo Afrikan ah oo khatarta weyn ugu jira Fayraska coronavirus.
Waddamadan Afrikaanka ah oo qaarkood deris dhow la ah Soomaaliya, ayaa waxay kala yihiin, Algeria, Angola, Ivory Coast, DR Congo, Ethiopia, Ghana, Kenya, Mauritius, South Africa, Tanzania, Uganda, iyo Zambia.
Bayaan la soo saaray jimcihii, ayay WHO ayaa ku sheegtay in wadamada la aqoonsaday ee Afrikaanka ah ay xidhiidh toos ah ama safar aad u tiro badan laleeyihiin Shiinaha“WHO waxay aqoonsatay 13 dal oo mudnaanta koowaad leh (Algeria, Angola, Cote d’Ivoire, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Itoobiya, Ghana, Kenya, Mauritius, Nigeria, South Africa, Tanzania, Uganda iyo Zambia) kuwaas oo xidhiidh toos ah ama socdaal aad u ballaaran laleh Shiinaha,” ayaa lagu yidhi bayaanka.