Shirkadda HEMA BOOKS Oo Xarun Cusub Ka Furatay Xaafadda Jigjiga-yar Ee Hargeysa
February 3, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda gacanta ku haysa daabacaadda iyo qaybinta Buugaagta Manhajka waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland, iibisana agabka kala duwan ee waxbarashada ee HEMA Books, ayaa Xarun cusub ka furatay Xaafadda Jigjiga yar oo ka tirsan degmada Ibraahin Kood-buur ee magaalada Hargeysa.
Shirkadda HEMA Books oo si xawli ah xarumeheedu ugu fidayaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa sii wadda is-ballaadhinta, si ay adeegyadoodu ugu fududaadaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ee u baahan buugaagta Manaahijta iyo agabka kala duwan ee waxbarasho ee ay Shirkaddu iibiso.