Ethiopian Airlines Oo Sheegtay Inay Sii Wadayso Duulimaadyada China
February 3, 2020 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa diiday inay joojiso duulimaadyada ay iskaga kala gooshto dalka Ethiopia iyo Shiinaha, xili dhawr shirkadood oo waaweyni oo aduunka ahi ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Shiinaha ka dib markii uu dillaacay caabuqa coronavirus.
Shirkadda Ethiopian Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadka ugu saameynta badan qaaradda Afrika, ayaa Ethiopian Airlines waxay mar kale xaqiijisay taageero ay u muujinayso dowladda Shiinaha iyo dadkeeda.
