Dad Aroos Usocday Oo Ay Miino Kula Qaraxday Qobolka Jubbada Hoose
February 4, 2020 - Written by Berbera Today
Dhoobley(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyay Afar ruux ayaa ku dhimtay Lix kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kaddib markii miino ku qarxday gaadhi ay la socdeen xili marayeen waddada isku xidha degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay in dhamaantood ay ahaayeen dad rayid ah oo xiligaa ku sii jeeday xaflad Aroos.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan, inkastoo deegaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan ururka Al-Shabaab.