Arimaha Ay Ka Wada Hadleen Ra’iisul Wasaaraha Israel Iyo Hoggaamiyaha Dalka Sudan Oo La Shaaciyey
February 7, 2020 - Written by Berbera Today
Khartoum(Berberatoday.com)-Golaha wasiirada Sudan ayaa maanta sheegay in hoggaamiyaha dalkaas Jeneral Abdel Fattah al-Burhan uusan ra’iisul wasaaraha Israel u ballan-qaadin “hagaajinta xiriirka” labada dal.
Al-Burhan, oo madax ka ah golaha xukuma Sudan, ayaa wada-hadallo aan horey loo qorsheyn waxa uu magaalada Entebbe ee dalka Uganda Isniintii kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, taasi oo u muuqatay astaan Sudan ay kusoo afjareyso qaadacaaddeeda muddada fog ee Israel.
Waxyar un kadib wada-hadallada, Netanyahu ayaa ku dhowaaqay in labada hoggaamiye ay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka.
Golaha wasiirada ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa maanta sheegay in la-kulanka Netanyahu uu ahaa “aragtida shakhsi” ee al-Burhan, islamarkaana uusan u sameyn wax ballan-qaad ah.