Somaliland Oo Kaalinta 9-aad Ka Gashay Goobaha Dalxiis Ee Caalamka
February 10, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland ayaa kaalinta 9-aad ka gashay goobaha dalxiis ee caalamka, iyada oo qayb ka noqotay goobo ku kala yaalla wadamada Turkey-ga, Iran ,Masar ,Suuriya,Urdun iyo Cuman, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Middle East News oo gobolka Barriga Dhexe kazoo baxa, taas oo ciwaan looga dhigay Goobaha Caalamka dalxiiska ku wanaagsan ee ay Somaliland ku jirto (Degmada Laasgeel).
Waxaana warbixintan lagu sheegay in midabyadda ku xardhan buuraha Laasgeel ay lamid yihiin ataarta laga helo barriga dhexe, waxaana lagu sheegay in la sameeyey qoraaladaasi 5,000 ilaa 7,000 oo sanno ka hor.