Wasiirka Madaxtooyadda Oo Is Hor-taagay Lacagtii Xaqul-Qalinka Ahayd Ee Dakadda Barbara In Baanka Lagu Shubo Iyo Sabab-tuu Cuskaday
May 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa is hortaagay in Baanka Somaliland lagu Shubo ama lagu wareejiyo Lacagtii Xaqul-Qalinka ahayd ee ay ka soo qaateen shirkada laga kireeyay Dekeda Berbera D.P WORLD
Lacagtan ayaa ahayd lacag ay shirkadaasi siisay Xukumada Somaliland ka dib markii ay wada galeen heshiis ah in Dakada Berbera lagu wareejiyo shirkadaas DP WORLD Lacagtan uu Wasiir Maxamuud Xaashi iska hortaagay in baanka lagu shubo ayaa dhan Shan iyo Toban Malyan oo Doolarka Maraykanka ah,
War-warka hoose ee ay helayso Shabakada Wararka Berberatoday.net ayaa Xaqiijinaya in wasiirku uu Xooga saaray in aan lacagtaasi la wareejin Isagoo ku Qanciyay Qoyska Madaxtooyada in lagu jiro Xilli kala guur ah loona baahanyahay in lacagtan la meelaysto laguna shubto banan ku yaala dalka Ingiriiska.