Daawo Muuqalka”Ilyaas Aadan Oo Ah Aabaha Dhalay Marxuumad Caasho Ilyaas Oo Ka Hadlay Sababta Loo Reebay Danbiilihii Sadexaad Ee Dilka Loogu Fulin Waayay
February 11, 2020 - Written by Berbera Today
Bosaso(Berberatoday.com)-Abbaha dhalay gabadhii yareyd ee Caa’isha, oo warbaahinta la hadlay kadib markii saaka la qisaasay laba kamid ah saddexdii xukmane ee Kiiskaasi, ayaa ka warbixiyay sababta loo reebay xukmanihii saddexaad.
Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in xukmanaha la dib dhigay qisaastiisa uu yahay dambiile, balse mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa, si baaritaan iyo hubin loogu sameeyo.
Sidoo kale, Ilyaas wuxuu sheegay in isagu codsaday dib u dhigista xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ee aysan jirin go’aan maxkamadeed oo dib loogu dhigay kiiskiisa.