Cumar Al-Bashiir Oo Loo Dhiibayo Maxkamadda Caalamiga Ah Danbiyada Caalamiga Ah Ee ICC
February 12, 2020 - Written by Berbera Today
Khartoum(Berberatoday.com)-Millateriga xukuma waddanka Suudaan ayaa go’aansaday in madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir, loo dhiibo Garsoorayaasha maxkamadda Caalamiga ah ICC ee fadhigeedu yahay Heeg.
Al-Bashiir, ayaa waajihaya dacwad la xidhiidha in uu geystay denbiyo Dagaal intii uu xukunka hayay gaar ahaana gobolka Daarfuur sannadkii 2003.
Sannadkii 1989 ayuu xukun millateri kula wareegay talada Suudaan.