Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Bilaw Barnaamij La Magaca Baxay WARAABI DADKAAGA Oo Talaagado Biyaha Qaboojinaya Lagu Rakibayo Goobaha Danta Guud Ee Adeegyada Bixiya
February 12, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Dawlada Hoose ee Berbera ayaa maanta bilawday Barnaamij la magac baxay WARAABI DADKAAGA oo goobaha danta guud lagu rakibayo Talaagado Qaboojiyayaal ah oo dadku ay si bilaash ah uga cabayaan biyo qabaw.
Goobaha lagu rakibayo Talaagadaha waxa ka mid ah guud ahaan dugsiyada wax-barashada Berbera, Madarasadaha Quraanka, Masaajidada, Cisbitaalada, Saldhigyada Ciidamada Sariibadaha, Xabsiga wayn iyo Xarumaha dawlada ee adeegyada bixiya sida Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka, Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka iyo dhammaan shanta xafiiska ee Gudiyada Xaafadaha magaalada Berbera.