“Farmaajo Inuu Somaliland Ku Sheego Gobolo Waqooyi, Waa Ku Khalad, Garadkiisa Ayaana Siiyey,Siyaasi Cabdilaahi Dheere,
February 17, 2020 - Written by Berbera Today
“Somaliyana Waxaynu Nahay Dal Jaar Ah, Oo Jaarnimada Iyo diinta Ayuun baa Inaga Dhexeeysa, Laakiin Dawladnimo Naga Dhexeyn Kartaa Ma Jirto”Cabdilaahi dheere.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane, oo xilka Wasiirka Waxbarashada ka soo qabtay Xukuumaddii Axmed Siillaanyo, horena u ahaa Xoghayaha Golaha Guurtida, ayaa sheegay in marnaba laga tanaasulin karin qaranimada Somaliland, isla markaana aanay ka mid noqon doonin Soomaaliya.
