Faysal Cali Waraabe: ” Biixi Iyo Farmaajo Way Soo Heshiiyeen, Laakiin Markii Uu Arkay Mawjadaha Shacabka Ayuu Isbedelay
February 19, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay khudbadii uu Madaxweyne Biixi uu ka hor jeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland, isagoo sheegay in uu hayo xogo la xiriira kulankii Addis-Ababa.
Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in diidmada Biixi ay timid kadib markii uu arkay in dadweynaha reer Somaliland ay si weyn uga hor-yimaadeen safarkii la hadal hayey ee Farmaajo ku imanayey Hargeysa.
Faysal Cali ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay gaareen heshiis hoose, kaasi oo horseeday in Raysul wasaare Abiy Axmed uu ku hirto in uu Farmaajo isku soo raacaan Somaliland.