Kuwait, Bahrain, Afghanistan Iyo Ciraaq Oo Kiisas Xanuunka Coronavirus Ah Lagu Arkay
February 24, 2020 - Written by Berbera Today
Kuwait, Bahrain, Afghanistan Iyo Ciraaq Oo Coronavirus Ka Dilaacay
Cururka Caabuqa coronavirus ayaa ku fiday todoba wadan oo ka tirsan Bariga dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Kuwait, Bahrain, Afghanistan iyo Ciraaq oo maanta oo Isniin ah lagu waramayo in lagu arkay kiisaskii u horeeyey ee caabuqa coronavirus.
Kuwait waxay sheegtay in dalkeeda lagu arkay saddex kiis, halka Bahrain iyo Ciraaq labadooduba ay xaqiijiyeen midkiiba halkiis.
Dhinaca kale dalalka Turkiga, Pakistan iyo Armenia ayaa xidhay xadka ay la leeyihiin dalka Iran, xili dawlada dalkaasi ay ku waramayso in caabuqa caronavirus uu haleelay 43 qof iyo 12 dhimasho ah.
Dalka Shiinuhu wuxuu xaqiijiyey Axadii shalay in 150 qof oo kale ay dhinteen shalay oo kaliya.
HORN CABLE TV,