“Wixii lagu heshiiyey waa arrin Somaliland gudeheedaha ka dhalatay, maaha wax Midawga Yurub la yimi iyo wax cid kale dibedda ka timi wadatay maaha. Waa arrin dhexdeenna ka dhalatay, waa fikir iyo aaraah dhexdeenna ka curtay oo markii dambena Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ku heshiiyeen, markaa waxaan doonayaa inaan bulshada u caddeeyo inaanay ahayn waxa beesha caalamku keligood wateen ee ay tahay wax Somaliland ay keentay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Faarax.
Waxa uuMadaxad Faarax Xirsi oo sii sharraxaya sida heshiiskani ku yimi intaas ku daray; “15/16-ka bishii 1-aad ee 2020-ka, waxaannu qabannay shir ballaadhan oo ujeeddadiisu ahayd waa maxay caqabadaha hortaagan doorashooyinku? Sidee baa loo xallin karaa khilaafka Komishanka? Sidee baa loo heli karaa doorasho dhacda 2020-ka oo lagu wada kalsoon yahay? Annaga oo taas ka duulayna waxaannu isugu yeedhnay aqoonyahan badan, way ka doodeen, ka dibna waxaannu samaynay guddi aqoonyahan ah oo Rag badan oo la garanayaa ku jireen.”
“Ka dib waxaannu soo saarnay Qoraal ka kooban afar bayj oo ka hadlayey, habka iyo hannaanka loo xallinayo khilaafka, gaar ahaan arrinta Komishanka doorashooyinka. Waxaannu soo jeedinnay 6 qodob, waxayse isugu soo ururtay qodob, qodobkaasina waa kaa maanta la saxeexay.” ayuu yidhi Maxamed Faarax.
Guddoomiye Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaanay Soomaali markay dhinacyo isku haysto oggolayn in dhinac guulaysto, sidaa daraaddeedna ay sameeyeen in dhinac waliba guulaysto, maaddaama oo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku dheggnaayeen in guddiga doorashada ee cusub la kala diro, guddigii hore ee doorashadana la soo celiyo, halka uu Madaxweynuhuna ku doodayey in guddiga hadda joogtaa sharci tahay, awood sharci oo uu ku kala dirana u haysan, ka dibna ay Akaademiga iyo Aqoonyahanka ay xuleenba soo jeediyeen in Komishanka cusubina joogo, kuwii horena la soo celiyo, iyagoo guddi farsamo ah, arrintaas oo ay UCID iyo Waddani ka biyo-diideen, halka Madaxweynaha iyo Kulmiye soo dhaweeyeen, ka dibna ay beesha caalamka u bandhigeen Akaademi ahaan arrintaas, sidiina ay arrintaasi maanta ku hirgashay.