Heshiisyada Ku Wajahan Kahadalka Doorashada Somaliland, Go,Aan Kastaaba Wuxuu Hordhac U Yahey Caqabad Kale! Faallo.
February 29, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xiisada Khilaafka Doorashooyinka Somaliland Iyo Muranka Siyaasiga ah ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah oo muddo laba Sanadood iyo maalmo ah soo jiitamay ayey Shacabka Somaliland Niyad Jab weyn ka Muujiyay kadib markii Ay midha-dhal Noqon waayeen kulano,dhexdhexaadineed oo Indhawaale marar baddan lagaga Arinsadey Muranka Xudunta Khilaafkaasi taas oo mar walba dib-udhac ku keentay Doorashooyinkii la filayay ee balanqaadka Madaxweyne Biixi ku Balanqaadey in ay dalka ka qabsoomi doonaan badhtamaha Sanadii lasoo dhaafey ee 2019kii,haseyeeshee, marba marka ka Dambeysa qoddob waliba qodobka kale ee jawaabta u ah ku Riixayay mid kor usii qaada Khilaafka ka taagan Doorashooyinka Somaliland iyo sida ay u qabsoomi .lahaayeen.