Wargeyska Indian Ocean Newsletter Oo Warbixin Ka Qoray Heshiiska Dekada Berbera
May 24, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wargeyska Indian Ocean Newsletter, ayaa warbixin faahfaahsan ka qoray heshiiska dhex maray Somaliland iyo Shirkada DP World ee ku saabsan dekedda Berbera.
Wargeyska, ayaa cadadkiisii u dambeeyay wuxuu warbixintiisa ku sheegay inuu xogo faahfaahsan ka helay heshiiska Somaliland iyo DP World, wuxuu ku sheegay in wada hadalo muddo sannado ah u socday Somaliland iyo shirkado badan la soo gunaanaday 9 May oo uu Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u ogolaatay in dekedda Berbera loo gacan geliyo shirkadda DP World, “Cidda guulaysatay waa DP World, cidda guuldaraysatayna waa shirkadda Faransiiska ee Bolloré Africa Logistics.” ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.