Kulmiye Qaan-gaadhnimadiisa Iyo Hadalhaynta Saleebaan Cali-Koore Malagaga Tusaale Qaadan Karraa Martiqaadkii Hogaanka Iyo Ka Maqnaanshihii Maxamed Kaahin?
March 2, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Huteelka Guuleed Ee Caasimadda Hargeysa, Oo Had iyo jeer Bar-kulan u ah dadka ka ag dhaw Madaxweynaha Xiligan talada dalka gacanta ku haya Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, aad ugu dhaw Guriga (Madaxtooyadda gaarka )u ah Madaxweynaha ayaa Waxa Maalintii shaley, ee 29/02/2020 ka waxa siweyn Looga Dareemayay dhaqdhaqaaq cusub oo ka duwan kii noocyaddii Hore ka dhex muuqan jirrey Xisbi-Xaakimka Kulmiye taas,oo ay Isugu soo camireen Huteelka Xisbiyahano fara baddan oo la Suuxsanaa in lagaga tago banaanka tan iyo intii ka dambeysay Dhisitaankii Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Muuse Biixi haba u badnaadeen garabyaddii Haweenka Xisbiga Kulmiye oo aan qof ka maqneyn kuwaas oo Goob-joog ka ahaa martiqaadka Xiligii qadada ee shaley,