Dawlada Maraykanka Oo Digniin Udirtay Dhinacyadii Ku Dagaalamaya Beled Xaawo.
March 3, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Mareykanka ayaa baaq kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamayaa Beled-Xaawo iyo duleedkeeda in ay joojiyaan iska hor imaadka.
“Amb Yamamoto iyo safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan iska horimaadka hubeysan ee ka socda Beledxaawo” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalkan oo goor dhaw lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhinacyada hoggaaminaya dagaalkaas in ay dulqaad muujiyaan