Guddoomiyaha WADDANI Oo Qurba-joogta Maraykanka Waydiistay Inay Xisbigiisa U Qaadhaamaan Guryo, Jagooyin Iyo Dahab Wixii Ay Heli Karaan
May 24, 2016 - Written by Berbera Today
“Waxyaabaha aanu halkan (Maraykanka) u nimid waxa ka mid ah Dhaqaale ururin, markaa Xisbiga Ciddii Qaadhaan Siinaysaa wuu aqbalayaa…” Guddoomiye Cirro
USA(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qurba-joogta Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Maraykanka, gaar ahaan Taageerayaasha Xisbigaasi ka codsaday inay Xisbiga ku taageeraan wixii ay Hanti haystaan, sida Guryaha, Jagooyinka Bannaan iyo Dahabkaba.
Muuqaal lagu baahiyey Baraha Bulshada, ayaa waxa ka soo muuqanaya Guddoomiye Cirro oo isagoo Dhoolla-caddeynaya la hadlaya Taageerayaasha WADDANI oo lulaya Calanka Calamada Somaliland, Maraykanka iyo ka Xisbiga WADDANI, waxaanu Guddoomiyuhu uu hadalka uu u jeediyay Dadka Madasha Fadhiya ugu sheegay in Ujeeddada Safarkooda Maraykanku tahay inay dhaqaale Ururin, sidaa daraadeed Xisbigu soo dhaweynayo Cid kasta wax ugu tabarucda.