“Deked Ahaan Waxanu Samaynay Diyaar-garow Dheeraada Cudurka Coronavirus, Maadaama Oo Ay Dekeddu Tahay Mariinada Ugu Mihiimsan Somaliland” Maareyaha Wakaalada Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi
March 5, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Weheliyaan Badhasaabka gobolka, duqa degmada Berbera iyo wasaarada Caafimaadka, waxay Maanta isaggu yimaadeen Kulan Balaadhan oo lagaga gaashaamanaya ka hortagaa Xanuunka Coronavirus.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi, “Deked ahaan waxanu samaynay diyaar-garow dheeraada, Maadaama oo ay Dekeddu tahay mariinada ugu mihiimsan ee laga soo galo dalka Somaliland.