Bill Clinton Oo Ka Hadlay Xidhiidh Uu Gabadh La Sameeyey Iyo Faddeexadda Dunidu Isu-miciinsatay
March 7, 2020 - Written by Berbera Today
Washintong(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa sheegay in xidhiidhkii uu la yeeshay Monica Lewinsky uu ujeeddadiisu ahaa inuu isaga baabi’iyo werwer heystay.
Hadalkan ayuu ku daray barnaamij cusub oo xog ururin looga sameynayo musharraxnimadii xilka madaxweynaha doorashadii 2016-ka ee xaaskiisa Hillary Clinton, kaasoo isla iyada loogu magac daray.
Mr Clinton ayaa mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyay sannadkii 1998-kii, xilligii uu madaxweynaha ahaa, kaddib markii lagu eedeeyay inuu been u sheegay koox baadhitaan ku sameyneysay xidhiidhkii uu la lahaa Ms Lewinsky.