Ergayga Midowga Yurub Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Hargeysa U Imanaya Sii Ambo-qaadka Heshiiskii Madaxweynaha Iyo Mucaaradka
March 7, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga ayaa maanta Hargeysa u imanaya inuu indho-indheeyo waxyaabaha ka hirgalay heshiiskii uu toban maalmood ka hor ka dhex dhaliyay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka. Ergayga ayaa la sheegay inay weheliyaan diblomaasiyiin kale.