Ra’iisal Wasaaraha Dalka Sudan Oo Ka Badbaaday Isku-Day Dil
March 9, 2020 - Written by Berbera Today
Khartoum(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day lagu dili rabay.
Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum.
Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegay in la isku-dayay in la qarxiyo gaadhiga uu la socday ra’iisal wasaaraha.
Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin.