Xaglo-Toosiye Oo Beeniyey In Guddoomiyenimada KULMIYE Lagu Wareejinayo Wasiir Koore
March 15, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Xukuumaddii Kulmiye ee hore Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay, kuwaasi oo ahaa in Guddoomiye –nimada Xisbiga KULMIYE si ku meel-gaadh ah loogu dhiibayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).