“Axmed Madoobe Aqoonsi Ugama Baahna Dowladda Federaalka..” Cabdiraxmaan Faroole
March 16, 2020 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan aqalka sare Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa warbaahinta isagoo ugu warramayey gudaha magaalada Garoowe ka hadlay xaalada cakiran ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee gobolka Gedo.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa marka hore eedeyn u jeediyey dowladda dhexe, wuxuuna sheegay inay ku xad-gudubtay nidaamka federaalka, sida uu hadalka u dhigay.