Halkan Ka Akhriso Qodobada Laga Soo Saaray Shirkii Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco
March 18, 2020 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Qoddobo ka mid ah go’aammadii ka soo baxay shirkii labada beelood ee Habarjeclo iyo Garxajis ee ka socday Burco:
1- Xukuumadda Somaliland waa in ay dhaqangalisaa ku dhaqanka shareecada islaamka.
2- Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland waa in aanay ansixin xeer kasta oo ka hor imanaya shareecada islaamka.
3- Shirku wuxuu ugu baaqey Golaha Guurtida Somaliland in ay ansixiyaan guddidii culimada ee Dastuuriga ahayd.
4- Tabashooyinkii labada beelood waxaa lagu dhammeeyay walaalnimo iyo isafgarad.
5- Shirku wuxuu ugu baaqey xukuumadda Somaliland in ay hirgaliso heshiiskii Khaatumo.