Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya oo digniin soo saartay
March 19, 2020 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Qoraal ay soo saartey safaarada Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa looga digey falal ajaanib naceyb ah oo ay dadka qaar ku eedeynayaan shisheeyaha dalkaas in ay wadaan ama ay keeneen xanuunka Coronavirus.
Qoraalkan ayaa lagu sheegey in dadka qaar lagu weerarey erayo Shiinaha ka dhan ah, waxaana ay xanuunkan la xiriirinayaan shisheeyaha in ay keeneen dalkaas.