Turkiga Oo Deeqo Gargaara U Diray Mareykanka
March 21, 2020 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Dowladda Turkiga ayaa gargaar caafimaad u dirtay dalka Mareykanka oo haatan kamid ah dalalka la daalaa dhacaya xanuunka corona.

Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baadho xanuunka corona oo gaadhaya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.