berberatoday.com
Maareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Oo Shaqaalihiisa Uga Mahad Celiyay Shaqo Culusoo Ay Maalmihii Udanbeeyay Gacanta Kuhayeen Kuna Guulaysteen
March 22, 2020 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Maareyaha wakaalada Biyaha Berbera Saleebaan Cabdi Looliye ayaa shaqalaha wakaalada uga mahad naqay shaqo xoogan oo ay maalmihii udanbeeyay gacanta kuhayeen taas oo ah bedeladi iyo dayactirka beebabka biyaha magaalada siiyo oo qaarkooda la bedelaayay halka kuwo kalena la dayactiraayay,

‘Qoraal uu Maareye Saleebaan Cabdi Looliye soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa udhignaa sidan hoos ku qoran

 

MAHADNAQ.

Marka hore Alle ayaa Mahad Oo dhan leh,
Marka Labaad Waxaan Si Kal iyo Laab ah ugu Mahad Celinayaa Shaqalaha #Wakalada #Biyaha #Berbera Gaar ahaan waaxda #Farsamada Oo Dadaal iyo Adkaysi Muujiyay Si ay Ugu Adeegan Shacabkooda Una Gutaan Wajibadkoda Shaqo Taas oo Aan kala lahayn Habeen iyo Maalintona Si joogto ahna U Waday dayactirka iyo Bedelida Pipeska Daalay.

Manta oo ay ahayd Malin Fasax Dhaman shaqalaha dawlada iyo qarankuba Waxaanu Dayactir Balaadhan ku Samaynay #MAINPIPE-KA Magalada Biyaha Keena
Lix(6)Gobood oo Burbur, Daxal iyo Jajab wakhti dheer Soo Jireen Ahaa aanu ku Gulaysanay inan soo Afjarno Mahadaasna waxaa iska leh shaqalahii shaqadan Qabtay Waxanay Qaadatay Muddo 8Hrs ah oo aan mar qudha Joogsi Lahayn.

Waxaa Kale oo Iyana Markasta si joogto Ah Noo Garab Taagan Mamulka Gobolka iyo Degmada Gaar Ahaan Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Ay Marmarka Qaar Nagu kalifto Inan Jarno waddo Cusub Oo farta Laga Qaaday Nagalana Shaqaysa Dhaman Wixii Shaqo iyo Iskaashi Ah Wanan Uga Mahadnaqaynaa Dadaalka Ay Nagula Jiraan.

Waxaa Kale oo iyana Had iyo jeer Nala Dareen Ah Macamishayada Gobta ah ee Xaaladkasta oo aan ku jirno Nagarab Taagan una Adkaysta wakhtiyada Shaqadu Socono Muddo Kasta oo ay Qadato, Waxaanu ka Raali gelinaynaa Marmarka Qaar Haduu hakad Galo Biyaha Shaqada Darteed.

Geba Gebaddii Waxaan ku Kalsoonay in Shaqada manta la Qabtay ay soo kordhin Doonto Biyo markasta inaga khasaari jiray Dhulkana ku socon jiray.

Mahadsanidin Dhamantiin.
Dawlad Abdi Looliye

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews