War Deg Deg Ah”Marxuum Cabdi Ismaaciil Muxumed(Ina Gunti Xume)Oo Kamid Ahaa Askarta Ilaalada U Ah Mayarka Berbera Oo Muran Dhul Lagu Khaarajiyay Iyo Dad Kaloo Dhaawacmay
May 26, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday,com)Alle ha Unaxariistee waxa saaka subaxnimadii muran dhul lagu toogtay magaalada Berbera Marxuum Cabdi Ismaaciil Muxumed(Ina Gunti Xume)oo kamida ahaa askarta ilaalada u ah mayarka degmada Berbera waxa kaloo is dhaawac ka soo gaadhay murankaas dhulka Cali Jaamac Cigaal(Cali Gabad)oo kamida ahaan jiray xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka degmada Berbera,
Waxaanu dilkan iyo dhawaacani geystay niman lagu magacaabo Ilam Jaamac Guuled(Ilma Kidaare)oo uu ka dhexeeyay muran dhul ama ay isku haysteen jago banaan oo kutaala agagaarka kaydka biyaha Berbera murankaas oo mudo soo jiitamaayay ayaa waxa la sheegay in saaka laysugu tagay goobtii uu dhulku ahaa waxaana halkaas ka dhacay weerar hubaysan oo ay soo qaadeen Ilam Gidaare kuna toogteen Marxuum Cabdi Ismaaciil Muxumed(Ina Gunti Xume)oo dhulkaas asy sheeganayeen isaga o Cali Jaamac Cigaal(Cali Gabad) halka ay Ilma Kidaare oo dhawr walaalo ah kuwada socdaana sheeganayeen jagadaas banaan waxaana la sheegay inuu dilka gacantiisa ku gaystay Deeq Jaamac Guuleed(Deeq Kidaare) oo qori Ak 47 ah ku hubaysani,