Golaha Wakiilada Oo Diiday Inay Ansixiyaan Labadii Xubnood Ee Xisbiyada Mucaaridka U Mateli Lahaa Kominshanka Doorashooyinka
March 28, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha wakilada Somaliland ayaa saaka dib u celiyay “diiday” labadii xubnood ee xisbiyada mucaaradku usoo xusheen komishanka doorashooyinka Somaliland .
Fadhigan saaka oo ahaa mid aan caadi ahayn oo mudanayaasha oo fasax kujira laysugu yeedhay oo uu shir gudoominayay Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golahaasi , kana soo xaadireen 51 xildhibaan ayaa waxaa la hor keenay labada xubnood ee komishanka doorashooyinka usoo xusheen inay ku matalaan xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Ucid iyo Waddani .
31 xildhibaan ayaa u codeeyay Maxamuud Siciid dalmar Xubinta xisbiga Waddani 6 ayaa diiday 14 waa ka aamuseen.

Halka 29 xildhibaana u codeeyeen Abdifatah Ibrahim Hassan xubinta xisbiga Ucid 8 diideen 14 ka aamuseen yadoo la rabay inay cod kaga gudbaan haldheeri tirada guud ee golaha oo ah 80 xildhibaan oo 41 noqonaysay balse midkoodna ma gaadhin darajada codkaasi sidaasaanu kusoo xidhmay fadhigii saaka ee golaha wakilada Somaliland oo siweyn loo raajicinaayay .
Faysal fifa.