berberatoday.com
Mareykanka Oo Madaxweyne Xilka Haya Dlka Kamida Caalamka Madixiisa Dul Dhigay $15 Milyan Oo Doolar
March 28, 2020 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay madaxweynaha waddanka Venezuela, Nicolás Maduro iyo saraakiil sar sare uu u dhashay dalkaas, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin “argagixisanimo dhinaca daroogada ah”.

Siyaasiyiintan ayuu Mareykanka ku eedeeyay inay dalkiisa ku harqiyaan maandooriyaha loo yaqaanno cocaine-ta, ayna daroogada hub ahaan u isticmaaleen si ay ugu waxyeelleeyaan caafimaadka dadka Mareykanka ah.

Dacwdahan waxaa ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr. Abaalmarin lacageed oo gaareysa $15milyan oo doolar (£12.5m) ayaa loo ballan qaaday qofkii keena xog horseedysa in lasoo xidho Madaxweynaha Dalka Dalka Venezuela Mr Maduro

Xukuumadda Washington ayaa muddo dheer ku eedeyneysay madaxweynaha Venezuela inuu horkacayay waxa ay ugu yeertay “xukuumad musuqmaasuq iyo arxan darro ku dhisan”, iyadoo arrintaasna ay dowladda Mr Maduro marar badan gaashaanka u daruurtay.

Wuxuu Mareykanku taageeraa hoggaamiyaha mucaaradka ee Venezuela, Juan Guaidó, oo sanadkii hore si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay madaxweyne ku meel gaar ah.

Dacwadahan ayaa sii adkeynaya cadaadiska xooggan ee uu Mareykanku saarayo Mr Maduro, isagoo horayna ugu soo rogay cunaqabateyno ka dhan ah wax soo saarka saliidda Venezuela.

Marka laga soo tago Mr Maduro, Mareykanka wuxuu dacwado noocaas ah kusoo oogay in ka badan toban ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa dowladda waddankaas.

Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah wasiirka gaashaandhigga ee dalkaas iyo madaxa caddaaladda ee maxkamadda ugu sarreysa Venezuela.

“Dadka reer Venezuela waxay u qalmaan dowlad mas’uuliyad leh, howlaheeda ay cadyihiin wakiilna ka noqon karta shacabkeeda iyo adeegga ay u baahan yihiin – dowladdaasoo aan ku shaqa lahayn arrimaha sharcidarrada ah iyo kala gudbinta daroogada,” sidaas waxaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Venezuela, Jorge Arreaza, oo ka jawaabeysay hadalka kasoo baxay Mareykanka, ayaa gaashaanka u daruuray waxa uu ugu yeeray “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn”.

“Dhibaatada uu dareemayo Aqalka Cad waa natiijada looga jeedo nabadda ka dhalaneysa Venezuela,” ayuu yidhi

Mr Maduro qudhiisa oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa ku eedeeyay dowladaha Mareykanka iyo Colombia inay dhiirrigalinayaan qalalaasaha Venezuela.

Wuxuu muddo dheer Mareykanka ku dhaliilayay inuu isku dayayo sidii uu u afgambin lahaa dowladdiisa, si markaas uu gacanta ugu dhigo keydadka saliidda ee Venezuela.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews