Shacabka Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay In La Joojiyo Diyaaradda Ethiopia Iyo Jaadka
March 28, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shacabka Somaliland ayaa dareen isku mid ah oo walaac ah ka qaba duulimaadka diyaaradda Ethiopia ay maalintii laba jeer ku timaado magaalada Hargeysa, iyadoo ay dalalka gobalka iyo duniduba joojiyeen duulimaadyada diyaaradaha si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona Virus.
Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay in rakaabka diyaarada Ethiopia la socda lagu xareeyo hoteelada magaalada Hargeysa muddo 14 maalmood ah si loo karantiimeeyo.