Wariye Mubaarik Nirig Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Wariye Maxamed Soofadhiiste Oo Ciidamada Boolisku Kuwaragaliyeen Inuu Isa Soo Xidho+Mayarka Berbera Oo Ku Baaqay In wariyayaasha Loo Soo Wada Xidho
May 26, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa hada saldhiga dhexe ee Berbera lagu xidhay Wariye Mubarik Cismaan Siciid(Mubarak Nirig)oo ah Wariyaha Tvga Star Tv ee Gobolka Saaxil waxaana wariyaha la xidhay isaga oo booqasho ugu tagay wariyayaashii hore uxidhnaa ee kala ahaa Wariye Cabdiraxmaan maxamed Cige iyo Wariye Axmed Siciid Maxamed waxaana la sheegay in Wariye Mubarik lagu xidhay Waraaq labaad oo dacwad ah oo Gudoomiyaha Golaha Deeganka Degmada Berbera soo qoray waxa kaloo isaguna warqadaas dacwad ah ee uu mayar Cidin soo qoray ku qoran in la soo xidho Wariye Maxamed Cabdillahi Soofadhiiste oo ah wariyaha Tvga somalichannel ee Gobolka Saaxil oo hada looga yeedhay xarunta C.I.D-da ee Berbera iyadoona taliyaha laanta C.I,D-du ku wargaliyay inuu mayarka Berbera cabdishakuur Cidin soo dacweeyay lagana doonayo inuu saldhiga is keeno hadii kale ciidan soo qabta loo soo diri doono.