Coronavirus Oo Sababay In Ay Korodho Xatooyada Internet Ku Iyo Digniino Laga Soo Saaray
April 2, 2020 - Written by Berbera Today
Germany(Berberatoday.com)-Laanta la dagaalanka dembiyada ee gobalka Niedersachsen ee dalka Jarmalka ayaa muwaadiniinta uga digay tuug soo shaacbaxday intii uu soo baxay xanuunka Coronavirus oo ganacsato iska dhigaya.
Tuugtan oo ka faa’iidaysanaya guriga joogga lagu soo rogay dadweynaha adduunka, ayaa iyaga oo sheeganaya in ay yihiin suuq internet ka wax ku iibinaya waxa ay faafinayaan xayeysiisyo ay dadka ugu sheegayaan in ay badeecado kala duwan iib u hayaan, isla markaana diyaar u yihiin in qofka iibsada ay gurigiisa ugu keenaan.