Xukumada Somaliland Oo Sharciga La Tiigsanaysa Madax Dhaqameed Ka Hadlay Wadahadalada Hargeysa Iyo Moqdisho
April 4, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta ka hadashay Odayaal dhaqameed maalmihii u dambeeyay ka hadlayey wada-hadalada muddada badan hakadka ku jira ee Dowladda federaalka iyo Somaliland, oo ay sheegtay inay wadaan qorshe ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya.
Somaliland ayaa si adag ugu hanjabtay Odayaashaasi oo uu kamid ahaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, maadama ay faraha la galeen arrimo uusan sharcigu u ogoleyn, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland.
Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in sharciga la tiigsan doonaan Odayaashaasi dhaqanka, maadama ay ka gudbeen xayndaabka dhaqanka, isagoona xusay in Odayaasha dhaqanka aysan go’aan ka gaari karin masiirka Somaliland.