Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya iyo tifaftirihii hore ee BBC Somali, Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay eedeynta ay NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf ee ah inuu “leeyahay xiriiro halis ku ah amniga, kana qaadeyso tallaabo sharci”.
Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran.
Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf.
Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka.
Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya.
Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka.
Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha.
Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.
Markaas tallaabada la gudbooni waa in ay wargeliso booliiska, baaritaan uu sameeyo, ka dibna ay Xeer ilaalintu kiis ku soo oogto cidda dembiga lagu tuhmay.
Ma jecleysanayo in aan arrimaha Hey’addeenna Sirta Qaranka uga hadlo Saxaafadda Bulshada, laakiin iyada ayaa dooddaas keentay isla goobtaan.
Su’aasha Dowladda Federaalka u taallaa waxay tahay:
Haddii Hey’adda Sirdoonka ay ka adeejisay in ay u cagajugleyso weriye jooga Washington oo aad nooga fog, una shaqeeya Idaacad ay leedahay Dowladda Mareykanku, waa maxay damaanadda iyo xorriyadda ay sheegi karto in ay haystaan weriyayaasha dalka Gudihiisa jooga?