“Waar Awood Aynu Kula Tacaallo Ma Haynee Maanta Ayey Talo Joogtaaye Is Dhex Yaaca Hala Joojiyo, Dadkana Si Fiican Ha Loogu Arimiyo”Aqoonyahan Jamaal.
April 6, 2020 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kamid ah Haldoorka reer Somaliland Ayaa fariin qaylo dhaan ah oo la Xidhiidha Sidii looga Hortagi lahaa Cudurka dunida sida xawliga Ugu Faafaye ee coronavirus udiray xukuumada iyo gudida ku shaqada leh isagoo soo jeediyay in la qaado talaabo kasta oo lagaga hortagayo lana digtoonaado isdhex yaaca balse bulshada loo arimiyo.
