Geeska Afrika Oo Xoggo Dheeraad Ah Ka Helay Haweenay U Dhalatay Itoobiya Oo Ka Timid Burco Kuna Socotay Jigjiga Oo Lagu Arkay Calaamadaha Covid_19
April 9, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adaha Caafimaadka ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa xuduudka Wajaale ee dhinaca Itoobiya shalay ka qaaday haweenay u dhalatay qoomiyada Oromada oo lagu arkay astaamaha xanuunka Covid_19.
Sahra Maxamed oo da’deeda lagu sheegay 45 jir ayaa ka timid magaalada Burco , waxaana la sheegay in markii ay u talowday xuduudka dalkeeda Itoobiya lagu arkay astaamaha xanuunkan, waxaana lagu qaaday gaadhi ambalaas ah iyadoo la geeyay magaalada Jigjiga si loogu sameeyo baadhis dheeraad ah.